Fiqi oo si cajiiba u iftiimiyey sababta dagaalka Yariisow iyo wasaarada cafimaadka

Muqdisho (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisada ka dhex taagan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Caafimaadka DF Somaliya.

Xildhibaan Fiqi ayaa marka hore su’aal galiyay ujeedada dhabta ah ee ka dambeysay dagaalka afka ah ee ka dhaxeeya Gobolka iyo Wasaarada Cafimaadka, kaasi oo ku sheegay in dagaalku ka taagan yahay cida qaadaneysa lacagta kasoo xaroonaysa buuga caafimadka.

Fiqi ayaa sidoo kale waxa uu iyadna su’aal galiyey sababta ay wasaarada maaliyadu u gabtay kaalinteedi, maadama iyada loo idmaday qabashada lacagaha soo gala dowladda.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan:

“Guddoomiyaha gobolka iyo wasaaradda caafimaadku waxay isku hayaan ma buugga caafimaadkaa mise waa cidda qaadanaysaa lacagta ka soo xaroonaysa buugga caafimaadka xujayda loo jarayo? Marka ay halkaa marayso wasaaradda maaliyadda aaway kaalinteedii?

Masayrku wuxuu u fasirmayaa maaliyadda xujayda la Qaadi doono buuggaas! Haddii ay sidaas lacagtaas waa in lagu xareeyaa qasnadda dawladda”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com