Frank Lampard iyo Ryan Bertrand oo laga reebay xulka Engaland ee u safraya Poland.

Xiriirka kubada cagta dalka Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in labada ciyaaryahan ee kooxda Chelsea Frank Lampard iyo Ryan Bertrand ay seegi doonaan kulanka xulka England uu isreeeb-reebka koobka aduunka ciyaar ka tirsan booqan doono dalka Poland.

Waxay seegeen kulankii Jimcada ay England guusha ka gaartay San Marino laakiin Roy Hodgson ayaa rajo ka qabay inay ciyaaraan kulanka labaad ee talaadada.

Si kastaba ha ahaatee, xulka England ee tababarka ku qaadanaya Worford ayaa soo weriyey galabnimadii axada, in go’aan lagu gaaray inuusan midkoodna ciyaarin.

Frank Lampard iyo Ryan Bertrand ma ciyaari doonaan kulanka England isreeb-reebka FIFA World Cup 2014 ay la ciyaari doonto xulka Poland,” ayaa lagu yiri warbixin lasoo dhigay website-ka FA-ga.

“Lampard (oo kubka) ka dhaawacan  iyo Bertrand (oo xumad) heyso qeyb kama aysan aheyn guushii 5-0 ta aheyd ee San Marino diyaarna uma noqon doonaan kulanka talaadada.

“Roy Hodgson iyo xulkiisa ka kooban 23ka ciyaaryahan waxay Subaxa Isniinta u safri doonaa Warsaw [caasimada Poland].”