Gaalkacyo: Dad loo xiray dil Nabadoon

Ciidamada Amaanka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa saakay dad badan u soo xiray dilka nabadoon caan ka ahaa Gaalkacyo oo xalay la dilay.

Ruuxa la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaboobe Aadan waxaana lagu dilay xaafada israac ee Gobalkaasi gaar ahaan meel udhaw gurigiisa.

Marxuumka ayaa waxaa uu kusii jeeday gurigiisa marka ay kooxahan hubaysan ay dilayeen iyagoo u galay meel aan sidaas kaga fogeyn gurigiisa kadibna ay la dhaceen rasaas taasi oo keentay in goobta dhaawac ahaan looga qaado hayeeshe uu ku geeriyoodo isbitaalka Magaalada.

Dadka dilka geestay ayaa durba meesha ka baxsaday iyadoo ilaa iyo iminka aan la garaneyn sababta ka dambeysa dilka loo geestay Gaboobe Aadan.

Ma jirto ilaa hada wax war oo ka soo baxay maamulka Gaalkacyo qaybta Puntland.