Gaas oo 2 arrin u ballan qaaday P/L

Gaalkacyo (Caasimada Online) Raiisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadda ku sugan magaalada Gaalkacyo kana mid ah musharrixiinta u taagan doorashadda maamulka Puntland ayaa ka hadlay arrmo badan.

Isagoo la hadlaayay arday wax ka barta Iskuul ku yaalla magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay Cabdiweli Gaas in hadii uu ku guuleesto doorashadda soo socota oo lagu wada in ay dhacdo 8-bisha Janaayo in uu dhowr arrimood uu wax ka qaban doono.

Arrimaha uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ah in waxbarasho buuxda oo ay ku jiraa kuwa bilaash ah uu ka hirgalin doono maamulka Puntand oo dhan.

Wuxuu kaloo sheegay in uu ku dedaali doono siddii ay reer Puntland u heli lahayd biyo nadiif ah.

Musharrax Cabdiweli ayaa sheegay in uu rajo fiican ka lee yahay in uu ku guuleesto doorashadda Puntland sida uu hadalka u dhigay markii uu arkay isbadalka ay doonayaan reer Puntland.

Ugu dambeen ra’iisal wasaarihii hore ee DKMG ah, ayaa tacsi u diray dadka ku dhintay dabeelaha roobabka wata ee ku dhuftay Bariga Soomaaliya gaar ahaan deegannada Puntland kuwaasoo dad iyo xoolo baabi’yay.

Wuxuu ugu baaqay Soomaalida gudaha iyo dibadda gaar ahaan reer Puntland inay u gurmadaan walaalahooda dhibaatadu gaartay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Caasimada@live.com