GAAS oo shaaciyay xilliga la qabanayo shirweynaha midnimada PUNTLAND !!

Garoowe Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa daaha ka rogay goorta uu furmi doono shirka lagu heshiisiinaayo dhamaan Beelaha kasoo jeeda Puntland kaasi oo loogu magac daray ”Shirka Midnimada Puntland”.

Gaas ayaa sheegay inuu qabanaayo shirka Midnimada Dadka Puntland oo uu balan qaaday xiligii uu doorashada kujiray, wuxuuna carabka ku dhuftay in shirkaasi uu dhacayo Bisha March.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Ujeedka shirkaasi uu yahay in leys cafiyo, islamarkaana beelaha Puntland ay hal gacan wada noqdaan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu soo hadal qaaday in inta uu socdo shirka ay ka hadli doonaan dhulal badan oo gacanta Maamulka ka maqan sida Gobolka Sool iyo Cayn, waxaana la rajeynayaa in shirka dhacaya March 2015 ee midnimada Puntland looga hadlo sida lagu soo ceshan lahaa.

Beelaha Gobolada SSC ayaa Madaxwaynaha Puntland xiligii uu doorashada ku jiray sheegay in laga qancin doono waxyaabaha Puntland ay ka tirsanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com