Gabadh dhallinyaro ah oo sabab yaab leh isugu dishay magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Gabadh ardayad ah ayaa isku daldashay xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargaysa kadib markii ay ka gudbi weyday imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland oo shalay lagu dhawaaqay.

Gabadhaan oo lagu magacaabo Layla Cabdi Maxamed ayaa aheyd ardayad dadaal badan, sidaa darteedna markii ay imtixaankii dhacday iyada oo dadaal bixisay ay u dul qaadan wayday sidaana ay isku dishay.

“Aniga dhalay Leyla waxay aheyd inan yar oo waxbarashada aad ugu wanaagsan, laakiinse maanta (shalay) 11-kii ayaa la ila soo hadlay oo waxa la i yidhi inantii wey is daldashay oo wey dhimatay, geeridii ayaa jooga,” ayuu yiri Aabaha dhalay Layla.

Sidoo kale qaar kamid ah Jaarka Layla Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri “Layla dhowr sano ayaa jaar aheyn, gabadh yar oo akhlaaq leh ayey aheyd oo waxay aheyd gabadh buugeeda, qalinkeeda iyo iskuulkeeda saaxiib la ah, wey u qaadan weyday imtixaanka ay ku dhacday, waa masiibo.”

Ardeyda ay wax lasoo baratay Layla ayaa dhankooda af kala qaad ku tilmaamay natiijada imtixaankeeda oo ay dartii isku dishay, ayaga oo ka codsaday wasaaradda waxbarashada inay wax ka qabtaan tayada waxbarashada.

Si kastaba, Waxaa la sheegay in gabadha is-dishay ay kasoo jeeday qoys danyar ah, islamarkaana ay soo korisay oo soo gacan qabatay hooyadeed oo u shaqayn jirtay qoyskooda.