Gabadha Putin saaxiibkiis oo lagu dhex dilay Moscow iyo ‘sirdoonka ka dambeeyey’

Moscow (Caasimada Online) – Warbaahinta Ruushka ayaa ku eedeynaysa Maraykanka inuu wax ka abaabulay weerarkii lagu dilay Daria Dugina oo aheyd gabar uu dhalay Aleksander Dugin oo isbahaysi dhow la ah Madaxweyne Vladamir Putin. 

“Dilka Daria waxay u badan tahay inuu mideyn doono dadka Ruushka maadaama ay tuhunsan yihiin inay Ukraine ku lug leedahay,” waxaa sidaas Fox News u sheegay Rebekah Kofflar oo ah sarkaal hore oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka ciidamada Mareykanka ee DIA.

Daria oo ahayd gabar suxufiyad ah oo uu dhalay nin isbahaysi dhow la ah Madaxweyne Vladamir Putin ayaa dhimatay fiidnimadii Sabtida – iyada oo saaran gaarigeeda kadib markii uu haleelay qarax, bartamaha magaalada Moscow. 

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in qarax loogu xiray gaariga. Waxaana durba falka dhimashadeeda lagu tilmaamay mid ‘argagaxiso’ ah oo ay ka dambeeyaan dalalka Ukraine iyo Maraykanka. 

Siyaasiga reer Ukraine, Denis Pushilin – ahna hoggaamiyaha Xisbiga Donetsk People’s Republic ee gooni u goosadka Ukraine, kuna xiran Ruushka, ayaa ku eedeeyey qaraxa xisbiga haya talada Ukraine haya. Wuxuu ku sheegay fal ay isku dayayeen inay ku khaarijiyaan Alexander Dugin. 

Qaar kale oo kasii xagjirsan, sida falanqeeye siyaasadeed, Yegor Kholmogorov, wuxuu u sheegay warbaahinta Ruushka in shaki uusan ku jirin weerarkan inay soo qorsheeyeen Sirdoonnada Maraykanka iyo Britain, waxaana fuliya,y sida uu yiri, Ukraine. 

Wuxuu hoosta ka xariiqay in shirqoollada nuucaan oo kale ah aysan ku dhicin Kyiv inay kaligeed abaabusho. 

Alexander oo isbahaysi dhow la ahaa Madaxweynaha Ruushka, waxaa lagu naaneysi jiray ‘Maskaxda Putin,’ wuxuuna gabadha kula sugnaa madal feesto ay ka socotay. Daqiiqadihii u dambeeyey ayuu qorshihiisa ahaa inuu gabadhiisa la raaco gaariga uu beddelay. Waxaana xigay qarax qabsaday gaarigii ay saarneyd. 

Khubarada qaar oo la hadlay warbaahinta Ruushka ayaa Alexander ku qeexay halbowle iyo qaabeeye muhiim u ahaa siyaasadda Putin iyo maskaxdii ka dambeysay in aydhiyoolojiyad loo maro duullaanka Ruushka ee Ukraine. 

“Daria aabbaheed waa maskaxdii ka dambeysay duullaanka Ukraine,” Koffler ayaa sheegay isaga oo intaas kusii daraya: ‘Wuxuu la noolaa aragtida Eurasianism oo ah in la mideeyo dalalka Yurub ku jira ee Ruushka jaarka la ah.’ Waana midda asalkaba sabab u ahayd weerarkii Ruushku ku qaaday Ukraine. 

“In siyaasadda Putin la fahmo waxaa kaliya lagu ogaan karaa in la fahmo habfikirka iyo aragtida siyaasiga ah ee Alexander. Qorshe walba oo Putin damacsan yahay waxaa saldhig u ah aragtida Eurasiaism-ka,” ayuu yiri. 

Vladimir Gutenev, oo xubin ka ah Duma, wuxuu sheegay in aragtida Alexander ay ku baahsan tahay guud ahaan dalka Ruushka. Wuxuu weerarka lagu dilay gabadhiisa Daria ku tilmaamay mid ka dhan ah ra’yulcaamka Ruushka oo ay qasab tahay in jawaab laga bixiyo. 

Andrey Klishas, oo Madax ka ah Golaha Dhismaha Qaranka ayaa yiri; “Qof walba oo gacan ku lahaa weerarka waa in la dilaa.”