Gabar isku cadeesay 170,000 dollar

Nairobi (Caasimada Online) – Dalka Kenya ayaa aad looga hadal hayaa arrin ay ku dhaqaaqday gabar reer Kenya ah taasoo isku cadeesay 170kun oo dollar.

Haweeneydan ayaa tagtay goob la isku cadeeyo oo ku taalla London, si ay qurux dheeri ah u xesho.

Mar la weydiiyay haweeneydan wax yaabaha ku kalifay in lacag intaas dhan ay isku cadeeyo, waxay sheegtay in ay rabtay in ay isku qurxiyo isla markaana ay go’aansatay in ay soo bandhigto lacagta ku baxday quruxdaas gacan ku sameeska ah.

Haddaba arrintan buuq aad u weyn ka dhilisay goobaha ay ku sheekeestaan dhallinyarrada gaar ahaan aaladaha Internetka.

Qaar ka mid ah dadka ka soo dhiibtay aragtidooda ayaa aaminsan in tallaabada ay qaaday gabadhan ay ku saxan tahay maadama quruxda ay meeshaas ka gashay, kuwa kale ayaa yiri “lacag ayey khasaarisay ee qurux ma ahan taas”

Si kastaba ha ahaatee dumarka is cadeeya ayaa aad ugu badan caalamka, waxaana ka mid ah kuwa Soomaalida, balse marka la dhaho gabar Soomaali ah ma is cadeesaa waxay dhahdaa Maya oo waa qurux alle isiiya, balse waxaa hubaal in dumar badan ay is cadeeyaan kuwaasoo dawooyin kiimiko ay ku jiraan ay marsadaan.

Dumarkaas waxaa isbadal uu ku sameesmaa jirkooda oo midab noocyo kala duwan ayey yeeshaan kaasoo halis ah ku ah caafimaadkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@livce.com