Gabar uu dhalay Xil. Beerey oo XIL looga magacaabay wasaaradda maaliyadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sameeyey magacaabistii ugu horreysay tan iyo markii xilkan loo magacaabay.

Wasiir Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa madaxa canshuur dhaafka wasaaradda maalyadda ee magacaabay Safiya Maxamed Axmed, oo ah gabar uu dhalay xildhibaan Maxamed Axmed Beerey.

Xilkan ayaa ah mid muhiim ah, waaxan shaqsiga maamul nidaamka canshuur dhaafka dowladda oo inta badan loo sameeyo ganacsatada, taas beddelkeeda looga qaado lacago ka baxsan nidaamka dowliga ah.

Wasiirka ayaa Safiya Maxamed Axmed ku amray inay xilkeeda u gudato sida uu qabo sharciga iyadoo la tashaneyso sharci-yaqaanada wasaaradda.

Safiya Maxamed Axmed ayaa wasiirka maaliyadda kala shaqeyn doonto canshuur dhaaf, waxaana dhammaan mas’uuliyiinta ay khuseyso warqadaan lagu amray inay la shaqeeyaan.

Mar kasta oo xukuumad cusub lasoo dhiso waxaa caado ah in wasiirada la magacaabo ay is badal ku sameeyaan xilalka wasaaradaha si ay meesha ku keensadaan dad ay is fahmi karaan ama ay ka codsadaan saaxiibada siyaasadda.

Dad ku beel ah xildhibaan Beerey ayaa sheegay inaysan sax aheyn in xildhibaanka uu saameynta uu ku leeyahay dowladda iyo matalaadda beeshiisa u adeegsado inuu uga faa’iideeyo xigtadiisa, intii uu ugu adeegi lahaa guud ahaan beesha.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda magacaabista