Galmudug oo gaadiid dagaal ka gubtay Puntland iyo saraakiil iyo ciidamo lagu qabsaday dagaalka

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wali waxaa magaalada Gaalkacyo laga maqlayaa dhawaqa rasaasta dagaal oo ay is weydaarsanayaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada Galmudug ayaa la sheegayaa in ciidamada Puntland ay ka saaren dhisme Maxjar oo laga dhisayo duleedka magaalada Gaalkacyo dhanka Galbeed, waxaana la tilmaamayaa in dagaalkauu yahay mid sii xoogeysanaaya.

Ciidamada Puntland ayaa doonaaya in kuwa Galmudug ay dib uga durjiyaan dhismaha Maxjarka, halka Galmudugna ay ka isticmaaleyso Hub culus oo ay qadka uga saarayaan kuwa Puntland.

Xusein Maxamed oo kamid ah Saraakiisha maamulka Galmudug ayaa caasimada online u xaqiijiyay in maamulka Puntland ay ka gubeen gaadiid dagaal, sidoo kalane ay ka qabsadeen Maxaabiis ku jirtay furumaha dagaalka uu ka socdo.

Sargaalka waxa uu sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Puntland oo dhaawac ah kuwaasi oo ay haleeshay rasaastii ay ridayeen ciidamada Galmudug.

Sargaalkaani oo ka hadlaayay dagaalka waxa uu yiri ”Puntland iyadaa dagaalka nagu soo qaaday wixii kasoo baxa oo khasaaro ah iyada un buu xanuun ku hayaa, anagu guul ayay noo tahay inaan ka gubno gaadiid dagaal kana qabsano maxaabiis caafimaad qaba iyo kuwo dhaawac qaba”

”Ciidamada Galmudug waxa ay Puntland ka saaren dhisme caan ah oo ku yaalla goobta uu dagaalka ka socdo, haddii uu sidaa kusii socdo dagaalka gudaha ayaan usii gali doonaa deegaanada Puntland”

Sargaal Xusein Maxamed waxa uu tilmaamay in Puntland ay ka sheekeyn doonto jabka kasoo gaaray dagaalka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in dagaalka uu sii socon doono.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka socda ayaa u muuqanaaya mid aan hakat laheyn, isla markaana ay suuragal tahay in labada dhinac ay sii wataan dagaalkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com