GALMUDUG oo gacanta ku dhigtay askari dil u geystay taliye iyo walaashiis

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ay xalay ka sameeyeen duleedka magaalada Caabudwaaq oo ku taalla waqooyga gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu soo qabtay askarigii ka dambeeyey dilka taliye ku xigeenkii Nabad Sugidda Galmudug, Marxuum Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle oo maalin kahor lagu toogtay magaaladaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo is-kaashanaya ayaa ugu dambeyn askarigaan kasoo qabtay deegaanka Ceel-gargaar oo hoostaga Caabudwaaq.

Saraakiisha ammaanka ayaa warbaahinta usoo bandhigau ninkan ayaa ballan-qaaday in la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado talaabo sharciga waafaqsan.

Soo qabashada ninkan ayaa ka dambeysay, kadib amar kasoo baxay madaxda sare ee Galmudug oo laamaha ammaana faray inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanaha.

Falka naxtinta leh ee ka dhacay Caabudwaaq ayaa sababay hadal heyn xoogan iyo shaki maadaama hal goob lagu dilay taliye ku xigeenkii NISA ee Galmudug iyo walaashiis.

Caabudwaaq ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay geystaan maleeshiyaad beeleed ku sugan magaalada iyo nawaaxigeeda.