Galmudug oo soo bandhigay maxaabiis lagu qabtay dagaalka oo Kismaayo ka yimid

Gaalkacyo ( Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ay ku qabteen maxaabiis ka barbar dagaalameysay ciidamada Puntland, kuwaasi oo la sheegay iney ka tageen magaalada Kismaayo.

Saraakiisha ciidamada maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada lagu qabtay dagaalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ay qaarkood yihiin kuwo si weyn loo garanayo.

Maxaabiista ayaa saraakiisha Galmudug waxay ku sheegeen iney qaarkood ak yimaadeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, wallow aan xaqiiqo loo heyn.

Tirada Maxaabiista waxa ay gaaraayaan  saddex nin sida uu sheegay taliska ciidanka booliska gobolka Mudug.

Saddexdaan nin ayaa Galmudug ku sheegay in lagu soo qabtay dagaalka ay kula jiraan maamulka Puntland , lakiin ciidankaan ayay  ku sheegeen in ay ka mid yihiin ciidamo maamulka Jubbaland ay u soo direen dagaalada Magaalada Gaalkacyo.

Mid ka mid ah dadka lagu soo bandhigay Gaalkacyo ayaa waxa uu qabaa dhaawac sida ay sheegeen Taliska ciidanka Booliska maamulka Galmudug.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ku aadan maxaabiista maamulka Galmudug ay kusoo bandhigeen Magaalada Gaalkacyo.