Ganacsade caan ah oo lagu dilay….

Beydhabo (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa xaley fiidkii magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxay ku toogteen ganacsade caan ah.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Saadaq Cabdullaahi ayaa la toogtay xilli uu ku sii jeeday gurigiisa sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaal.

Sidoo kale kooxda burcadka ayaa dhaawacay labo qof oo kale oo uu ku jiro askari ka tirsan dowladda.

Kooxda falkan geesatay ayaa durba baxsaday waxaana la sheegayaa in ay gaareen goobta ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo billaabay baaritaano ay ku baadigoobayaan kooxda dilka geesatay.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in baaritaanka oo billowday xaley ilaa saakay uu socdo.

Xog badan lagama hayo dadka la soo qabtay tiradooda balse waxaa sheegis mudan in howgallada ay saameen ku yeesheen adeegyadii muhiimka sidda ganacsiga iyo wax barashadda.

Beydhabo waxay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhacaan dilalka iyo qaraxyada in kastoo magaalada oo dhan ay gacanta ugu jirto dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com