Ganacsadihii Soomaaliga ee lagu la’aa wadanka Koonfur Afrika oo meydkiisa la helay

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in afar cisho, kadib la helay Meydka Allaha u naxariistee Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi.

Marxuumka oo horey loogu la’aa nolol iyo geeri ayaa waxaa haatan Meydkiisa soo helay ciidamada Booliska ee ka howl-gala Gobolka North West, kadib warbixin ay heleen.

Wararka ayaa sheegaya in meydka ganacsadahaasi uu markii hore soo arkay nin Hindi ah, kaas oo ku wargeliyey laamaha ammaanka ee dalka Koonfur Afrika oo ugu dambeyn goobta tegay, kana soo qaaday meydka muwaadinka Soomaaliyeed ee la weysanaa.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dilka marxuumka oo si arxan darro ah u dhacay loo adeegsaday rasaas, mana cadda sababta rasmiga ee loo dilay iyo cida ka dambeysa.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumka ayaa sidoo kale ka sheekeeyey qaabka loo soo helay meydka, iyaga oo shaaciyey in gacan ka xaq-daran ay dishay wiilkooda.

“Meydka walaalkeen waxaa soo sheegay Nin Hindi ah oo gaariga Baakiga ah ee uu watay meel kusoo arkay, markii la dabagalayna Booliska ayaa Meydka heley isagoo Xabado ku yaalaan….ALLAHA u Naxariisto dabcan gacan ka xaqdaran ayaa nafta u qoonsatay oo ay muuqato in dhac loo gaysanayey” ayuu yiri Cabdalla oo adeer u ahaa Marxuumka.

AUN Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa waxa uu ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku shaqeysta gaadiidka lagu wareejiyo alaabaha Delivery ah, waxaana si weyn looga yaqaanay halka uu deganaa oo ah Brits oo ka tirsan gobalka North. West

Si kastaba ha’ahaatee Koonfur Afrika ayaa ka mid ah wadamada lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana inta badan loogu geystaa dil, dhaawac iyo boob hantiyeed.