Ganacsatada Muqdisho oo shaaciyey in la musuqay lacagtii dhismaha jidadka

Muqdisho (Caasimdda Online) – Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa War Saxaafadeed ay soo saareen waxa ay uga hadleen lacago looga qaado dhismaha Wadooyinka magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in si qaldan loo maamulo.

Waxa ay sheegeen Ganacsatada gobolka Banaadir in lacago taburacaad ah oo loogu tala galay dhismaha Wadooyinka magaalada Muqdisho bil kasta si joogta ah looga qaado hadana ayan jirin wax muuqda oo lacagtaasi lagu qabto si khaldana loo maamulo.

Halkan Akhriso War Saxaafadeedka Ganacsatada soo saareen

Ku: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Og. Handti-dhowrka Qaranka Soomaaliyeed

Og. Raysulwasaaraha Xukuumadda Fed. Soomaaliyeed

Og. Madaxweynaha Jumhuriyadda Fed. Soomaaliyeed

Ujeeddo: Warsaxaafadeed Wax Ka Qabasho Lacagta Jidadka

Annaga oo ah ganacsatada canshuurta ugu badan laga qaado , isla markaasna ah aasaasayaalkii tabarucaadka dib-u-dhiska waddooyinka Muqdisho, lagana qaado  tabarrucaadda ugu badan, waxaan ka codsanaynaa cid walba oo ay khuseyso in ay wax ka qabtaan musuqa lagu hayo lacagta tabarucaadda dib-u-dhiska waddooyinka Muqdisho.

Lacagtaan tabarucaada ah oo hadda uu maamulo Maxamuud Cabdikariim Gabeyre, wax shaqo ah oo muuqda laguma qaban muddo hal sano ah.

Waxaan ognahay in lacagtaas ganacsatadu looga qaado si joogto ah, iyada oo aysan jirin hab isla xisaabtan ama xitaa warbixinta xaalka ay ku sugan tahay lacagta muddadii uu maamulayey Gabeyre October 2018 ilaa September 2019.

Sidaasi awgeed Ganacsatada laga qaado tabarrucaadda dib-u-dhiska waddooyinka waxay dalbanayaan in:

  1. La xaqiijiyo in lacagta lagu qabto AKOON (XISAAB) aammin ah,
  2. Talada lagu maamulayo lacagta laga tixgeliyo ganacsatada laga qaado lacagta ugu badan,
  3. La soo bandhigo xisaab xirka lacagihii loo uruuriyey dhismaha waddooyinka muddadii sanadka aheyd ee u dhexeysay Oktober 2018 – September 2019.

Mahadsanidiin

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com