Ganacsato Soomaali ah oo dhaqaalahoodi lagu xanibey dalka Imaaraadka + Sababta

Qaar ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn Puntland-Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Bosaso ayaa cabasho ka muujiyey ganacsato isugu jirta Soomaali iyo ajanabi kuwaasi oo ku sugan wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Ganacsatadaasi ayaa sheegay in sharciyadii ganacsi iyo kii ay ku joogeen wadanka Imaaraatka Carabta si sharci darro ah looga qaaday , isla markaana dalka dib loogu soo celiyey,

Abshir Aadan Cabdiraxmaan oo ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay mudadii dhereed ee dalka bur-burka ahaa ganacsatadii u shaqeynaysay dadka iyo dalka ay soo wajahday dhibaatooyin isugu jirta xarig, hantadaat iyo  jirdil.

…Ganacsatada Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraatka Carabta ayaa waxaa la caadeestay waayadan in la dhibaateeyo ayuu yiri ganacsade Abshir Aadan Cabdiraxmaan.

Ganacsade Abshir Muumin Ibraahin oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay dad dhibaateenayo ganacsatada Soomaaliyeed ay yihiin shaqsiyaad u shaqeeya dowladda Imaaratka Carabta iyo ganacsato Soomaaliyeeed, waxa uuna ku baaqay in arintaasi dowladda Soomaaliya ay wax ka qabato.

Ganacsato ayaa waxaa la yiri ma istaahishaan in aad joogtaan Imaaraatka Carabta, dadbaa jira oo hanti ma guurto ku leh wadankaasi, waqti lama siin oo dib ayaa loo soo celiyey ayuu yiri Ganacsade Abshir Muumin Ibraahin.

Ganacsade Mustafe Salaad Cali iyo Maxamed Faarax Bayr oo ka mid ah guddiga boorka rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland  oo ugu dambeen kulanka ka hadlay ayaa sheegay in shaqsiyaad kooban oo u dhashay dalka Soomaaliya iyo Imaaratka Carabta ayaa ganacsatadii Soomaaliyeed weydiiya dhaqaale aan sharci ahayn, kii diidana waa la dhibaateeyaa.

Ganacsatadii isugu timid kulanka ayaa sheegay in dhaqaalihii laga xanibay iyadoo qaarkood loo dhaa-dhiciyey xabsiga.

Waxay ku baaqeen ganacsatada in lasoo sii daayo ganacsatada xiran, in loo fasaxo ganacsatada ganacsigoodii iyo dowladaha Soomaaliya iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay soo fara geliyaan arintan, iyadoo intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah.

Dowaldda Imaaraadka Carabta ayaa sanadihii ugu danbeeyey wadey in ay qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyueed kala noqdaan deganaanshaha dalkaas ee Ciqaamada loo yaqaan, waxaana ay si dardargeliyeen bilihii u danbeeyey.