Gary Cahill: Waxaan noqon karaa John Terry-ga cusub ee Engaland.

Daafaca kooxda Chelsea iyo xulka England Gary Cahill ayaa rumeysan inuu bedeli karo booska uu xulkiisa ka baneeyey ciyaaryahanka ay isku kooxda yihiin ee John Terry.

Daafaca halbowlaha dhexe ayaa ku bilowday kulankii uu xulkiisa ka hortegay xulka San Marino tan iyo markii uu Terry ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee xulkiisa Three Lions.

Cahill oo 26 jir ah ayaa in badan  Terry kala soo ciyaaray Chelsea.

Difaaca kooxda Blues ayaana yiri: “Had iyo jeer wuxuu I dhiiri gelin jiray waxaana rajeynayaa inuu wax fiican ii rajeynaayo.”

Kulankii ay Jimcada 5-0 England kaga talaabsatay San Marino ayuu Cahill soo bandhigay awoodiisa daafac.