Lineker oo raali gelin ka bixiyey markii uu sajuuda Ait-Fana ku tilmaamay cows cunid.

Gary Lineker ayaa raali gelin ka bixiyey ka dib markii uu dabaal dega sajuuda ee laba ciyaaryaahan oo muslim ah oo u ciyaara kooxda Montpellier xalay ku sifeeyey inay cunayaan cowska garoonka, isagoo daadihiye ka ahaa TV-ga Al Jazeera.

Wuxuu kulankii Uefa Champions League si toos ah ugu tebinaayey Bariga dhexe ee Al Jazeera +3, markii uu goolkii furitaanka ee Karim Ait-Fana uu ka dhaliyey Schalke ku sifeeyey inuu ciyaaryahanku cowska cunaayo.

“Dadaal heer sare ah oo ka yimid Karim Ait-Fana, kaasoo goolka kasoo toogtay meel dheer cowskana cunay…sidaas ayuu sameeyey,” ayuu yiri Lineker, iyadoona markaas sawirku muujinaayey 23 jirka garabka ka ciyaara ee reer France oo saxiibkiisa reer Morocco Younes Belhanda la sujuudaya.

Waxaa sidaasba si la mid ah soo badanaayey ciyaaryahanada diintooda ku sifeeya dabaal degyadooda, sida kuwa muslim qaaliska ah ee weerarka uga ciyaara kooxda Newcastle Demba Ba iyo Papiss Cisse.

Fikrada Lineker ayaa ka turjumeysay sida uu u heyso diin aan aheyn tan Islaamka waxaana akoonkiisa Twitter-ka uu weeraryahankii hore ee xulka England iyo kooxda Tottenham ku bixiyey raali gelin.

51 jirkaan ayaana 1.1 milyan oo ku xiran Bogiisa Twitter ku hor faafiyey dhacdo uu isagu saameyn ku lahaa ka dib markii uu sidoo kale faafiyey dhalashada 21-aad ee wiilkiisa George.

“Waan ka xumahay balse ulama aana jeedin diinta ciyaartoyda,” ayuu Lineker ku Qoray bogga uu ka isticmaalo Twitter.