Gerrard: “Inaan Liverpool kula guuleysto Horyaal waxay noqon doontaa mucjiso”

Kabtanaka kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa qirtay in baahidiisa ah inuu Reds ku hugaamiyo Premier League inta uusan soo afjarin xirfadiisa kubada cagta ay tahay wax mucjiso ku dhici doona.

Liverpool ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee horyaalka England sedax sano ka hor markaasoo ay aruursatay 86 dhibcood waxayna ku guuleysteen koobab kale, laakiin Gerrard ayaa door bidaya inuu mar uun kooxda ku hugaamiyo EPL.

Laba Manchester iyo Chelsea ayaa ah kooxaha ugu  hardanka adag Horyaalka, 32 jirkaan ayaana arka in hadii uu keeno horyaalka gobolka Merseyside ay ahaan laheyd wax mucjiso ku dhaca, isagoo si gaar ah u eegaya baahida looga qabo guul uu ka gaaro England.

“Waxay noqon doontaa mucjiso hadii aan hada ka hadlo dareenkeyga ku aadan horyaal aan kula guuleysto Liverpool,” ayuu yiri Kabtan Fantastic oo dhowaan la hadlaayey barnaamijka My Liverpool Story.

“Saas ayaan dhahayaa sababtoo ah da’adeyda iyo halka aan ku dhameysaneynay sanadihii lasoo dhaafay. Iyo sidoo kale xaalad xafiiltan oo jirta.

“Hada keliya maahan United iyo Arsenal laakiin City, Chelsea iyo Tottenham. Newcastle ayaa ah kuwo si wanaagsan u ciyaara. Horyaalka Premier League aad ayey u adag tahay inay ku guuleysato koox walba.”