Go’aanka Soomaaliya kala gudboon loolanka ka dhex bilowday dowladaha Carabta

Marka aad maqasho sida ay xowli ugu socoto arrinta Qadar, oo Sacuudiga, Imaaraadka iyo wadamo kale oo carbeed ay xiriirka u jareen hadana ugu dareen xayiraado cir, dhul, bad, isgaarsiin iyo duulimaad. Waxaad isweydiinaysa Soomaaliya maxa la gudboon?

Wadamada xiriirkii ka dhexeeyay xumaaday waa kuwo mid walba uu dalkeenu xiriir gaar ah la leeyahay, ha ahaado xiriir diblumaasiyadeed, mid taageero bani’aadantinimo iyo mid dhaqaale. waxaa jira wadamada qaar inay Soomaaliya kala shaqeeyaan arrimaha ammniga iyo maalgashiga.

Sacuudiga , Imaaraadka iyo Qadar, waa saddex wadan oo uu wada booqday Madaxweyne Farmaajo, mid ka mid ahna Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaruhu labaduba waa booqden, waxaa jira balan qaadyo tageero dhaqaale iyo kuwo arrimaha bani’aadanitnimada ah oo ay dowladda Soomaaliya gaar uga soo heshay dalkasta.

Soomaaliya Maxaa la gudboon?

Waxa ugu horeeya waa in aan lagu deg degin nooca go’aan ee laga qaadanayo xaalada cusub, waxay u baahantahay in si fiican looga fiirsado iyadoo guddi loo saarayo. in laga doodo dhinaca la raacayo waxaa aad uga muhimsan in laga doodo in dhinac la raaco iyo in dhex dhexaad laga noqdo.

Dowladda oo maskaxda ku haysa sida ay Soomaaliya weli ugu nuglaankarto wadan kasta oo ay cadaawad la sameysato, waa in ay arrintan ka fekerta, waa in maskaxda lagu hayo waxa ka dhalan kara hadii Qadar la raaco? oo Imaaraadku uu heshiisyo kula jiro Somaliland iyo Puntland, dhinaca kale waa in laga fekerayo hadii Sacuudiga la raaco, waxa saameyn inooga iman karta dhinaca Qadar.

Dhexdhexaad :

Hadii aan la dhayalsan xaalada, Soomaaliya waa in ay dhex dhexaad noqoto, taasi lafteeda waxay u baahantahay farsamo iyo feker, waxa la wada ogyahay waa in dhex dhexaadku uusan aheyn inaad gacmaha laabato , indhahana ka qabsato waxa socda oo aad hubto in aan labada dhinac, midna uusan kugu soo liiceyn! waa in dowladdu ay farsamo ku darto dhex dhexaadnimada muujinaysa sida ay labada dhinac ugu simantahay.

Soomaaliya si ay u qaadato door muhim ah oo dhex dhexaadinimo, waa in ay dowladdu la xiriirto ururka  (GCC) oo ay wadamada gacanku ku mideysanyihiin, kadibna u sheegta sida ay uga xuntahay waxa dhacay, una soo bandhigtaa doorka ay ka qaadanayso waan waan la isugu keenayo labada dhinac, oo hore ay ugu fekereen Kuwait iyo Turkey.

Tallaabadan waa qaab ay dowladdu uga bad baadi karto in labada dhinac mid uu usoo dhuunto ama gaar ula soo xiriiro, in Soomaaliya door ku dhexyeelato heshisiinta wadamadaasi waxay sidoo kale yareynaysa khatarta dalka uga iman karta coladaasi, waxayna fursad dalka u siinaysa in labada dhinacba aysan colaad u qaadin , xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka taageerona uu bad baado.

Anigu waxaan qoray fekradayda, adiguna fekradaada iigu dhaaf  qeybta falcelinta (comments-ka).

Waan kaaga mahadcelinaya, inaad akhrisay qoraalkayga.

W/D: Jama Deperani

Maxay xagjiriinta u kordhiyaan weerarada bisha Ramadan, maxayse diinta ka qabtaa?