Golaha Ammaanka oo soo saaray bayaan jawaab u ah go’aanka ay Somalia ku cayrisay Nicholas Haysom

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka QM, ayaa si buuxda isugu raacay raacay bayaan jawaab u ah go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom.

Bayaanka, oo ay soo diyaarisay Britain, ayaa lagu sheegay in golaha ammaanka uu “ka walaacsan yahay” go’aanka Soomaaliya ay ku cayrisay danjire Nicholas Haysom.

Golaha ayaa bayaankiisa ku sheegay inuu rajeynayo “wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta Soomaaliya iyo QM”

Bayaanka ayaa lagu sheegay in sanadka 2019 uu noqon doono “Sanad muhiim u ah Soomaaliya” , waxaana uu ku baaqay in “madaxda Soomaaliya ay ka wada shaqeeyaan sidii horey loogu dhaqaajin lahaa is-beddellada siyaasadeed iyo amni ee dalka”

Bayaankan oo ay ahayd in golaha ammaanka uu jimcihii soo saaro ayaa baaqday kadib markii dowladda Shiinaha ay ka hor-timid, islamarkaana codsatay in is-beddel lagu sameeyo.

Waxaa kadib bayaanka lagu soo daray qodob bayaanka ay “ku adkeeyeen xushmadda ay u hayaan madax bannaanida, sharafta dhuleed, xoriyadda siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.”

Bayaanka ayaa daba socday markii xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres uu sidoo kale jimcihii soo saaray bayaan uu ku sheegay inuu ka xun yahay go’aanka Soomaaliya ay kusoo eriday danjire Nicholas Haysom.

Guterres ayaa ka hor bayaankiisa saddex mar oo uu taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduallaahi Farmaajo ku guul-darreystay inuu ka dhaadhiciyo inuu ka laabto go’aanka lagu eryey Haysom.

Guterres ayaa markii ugu dambeysay oo uu Farmaajo la hadlay oo ahayd jimcihii, kuna guul darreystay inuu wax ka beddelo go’aankiisa, wuxuu ku dhaawaaqay inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com