Golaha wasiirada cusub ee DDSI oo lagu dhawaaqay maanta (Aqriso magacyada)

Jigjiga (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka DDSI Mustafe Muhumed Cumar (Cagjar), ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada maamulka, kadib markii uu hormaray baarlamaanka maamulka.

Mustafe Muhumed Cumar (Cagjar), oo Golihiisa kasoo xulay xubno aan badankooda horay usoo shaqeyn ayaa sheegay inuu kusoo xushay howl-karnimo.

Golaha Cusub wasiirada oo ka kooban ilaa 27 xubnood ayaa waxaa la filayaa in maanta uu  ansixiyo baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida.

HOOS KA AKHRISO LIISKA GOLAHA CUSUB

1-Madaxweynaha DDSI Mudane Mustafe Muxumed Cumar

2-Madaxweyne Ku/xigeen Mudane Aadan Farax Ibrahim

3-Wasiirka Biyaha Mudane Bashiir Shaafi

4-Wasiirka Maaliyadda Mudane Bashir Dubad

5-Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xasan Dhaadhi

6-Wasiirka Waxbarashada C/laahi Maxamed Muuse

7-Wasiirka Caafimaadka Dr Yusuf Maxamed

9-Wasiirka Beeraha  Mudane C/qaadir iimaan

10-Wasiirka Howlaha Guud Mudane C/fatax Sh Biixi

11-Wasiirka Ganacsiga Mudane C/raxan Axmed Xasan

12-Wasiirka Ka-hortaga Masiibooyinka Mudane Maxamed Cabdi

13-Wasiirka Qurbajoogta Muadne Xabiib Xaaji

14-Wasiirka Xeer-ilaalinta Mudane C/wali Jamac Ibrahim

15-Wasiirka Xoolo Dhaqatada Eng Maxamed Shaale Isaaq

16-Wasiirka Cadaalada Mudane Mubaarak Sh Cumar

17-Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha MudaneXasan Aadan

18-Wasiirka Haweenka Marwo Ayaan Cabdi Shukri

19-Wasiirka Warfaafinta Guuled Aw Cali

20-Wasiirka TVET Mudane C/raxmaan Liid Daahir

21-Wasiirka Dooxooyinka Mudane Axmed Deeq Maxamed

22-Wasiirka Sayniska Mudane Axmed Naaji

23-Wasiirka Dhaqanka, Dalxiiska Mudane Ilyaas Abiib

24-Wasiirka Macdanta, Tamarta Mudane Lade C/wali

25-Wasiirka Dhalinyarada Mudane Xasan Faarax Cali

26-Maareeyaha Wakaalada, Jidadka  Sacaada Giire

27-Maareeyaha Wakaalada, Dakhliga Mudane C/laahi Cabdi.

Hoggaamiyaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar, ayaa horay u magacaabay Taliyayaasha ciidamada qeybahooda kala duwan, waxaana xigay magacaabida Wasiirada cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com