Golihii deegaanka Bardaale oo la kala diray iyo Koonfur Galbeed oo wafdi u dirtay

Bardaale (Caasimada Online) – Waraaq ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in lagu kala diray xubnihii golaha deegaanka ee degmada Bardaale, kuwaas oo uu dhammaaday muddo xileekooda.

Mas’uuliyiin ka socda wasaaradda oo tegay Bardaale ayaa sidoo kale kulan la yeeshay xubnaha golaha deegaanka, waxayna ku wargeliyeen go’aanka maamulka ee ah in la kala diray, kadibna waxaa soo baxday wareegtada oo lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale shaacisay in dhowaan la soo dhisi doono golaha cusub ee deegaanka ee degmada Bardaale, waxayna ogeysiisay odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka inay howsha sii wadi doonaan golaha fulinta, kuwaas oo kala ah guddoomiyaha degmada, ku xigeenkiisa iyo xoghayaha degmadaasi.

Dhinaca kale waxaa maanta degmada Bardaale gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Koonfur Galbeed Maxamed Isxaaq Cabdi oo ay wehlinayaan wasiiru dowlaha madaxtooyada Maxamuud Maxamed Khayre, guddoomiyaha gobolka Baay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Biano, iyo taliyaha ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ujeedka wafdigaan ayaa ah u kuur-gelidda xaaladaha ammaan ee ka jira halkaasi, waxaana la sheegay inay ka bilaabi doonaan guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Bardaale ayaa ka mid ah degmooyinka ay go’doomiyeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca weeraro iyo dagaallo geysta khasaare kala duwan.