Goormee codka kalsoonida loo qaadayaa G/Wasiirada?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa berito oo sabti ah xaruntooda Villa Hargeysa ku yeelan doona kulan xasaasi ah.

Taariikhdu waxey berito ku beegan tahay 24-ka Oktoobar, waxaana ajandaha golaha shacabka uu noqon doonaa iney cod u qaadaan xukuumadda uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ilo wareedyo u warramay Caasimadda Online ayaa sheegay in qaar ka mid ah golaha cusub ee wasiirada ay kulamo gaar-gaar ah la yeelanayeen qaar ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka, waxaana la fahamsan yahay iney weydiisanayeen codka kalsoonida.

Wakhtiga xil heynta dowladda ayaa gabaabsi ah, golaha wasiirada ee cusub ma heystaan wakhti ku filan, balse waxaa laga sugayaa sida ay marxaladdaan kala guurka dalka uga samata-bixiyaan.

19-kii bishaan ayey aheyd markii ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu soo doortay golahiisa wasiirada oo ka waji duwan xukuumadii la riday dhamaadkii July, waxaana la sugi doonaa kulanka golaha shacabka iyo natiijada ay helaan golaha wasiirada cusub.