Goorta la gaba-gabeynayo dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Mudane Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kormeer ku tegay dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tiran gobollada Banaadir & Sh/Hoose.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in haatan uu gaba-gabo uu marayo dhismaha jidkaasi, islamarkaana la soo gaba-gabeyn doono muddo labo toddobaad gudahood ah.

Cumar Filish ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah inay ilaashadaan laamigaas loo dhisay oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka intaba.

Sidoo kale dhismaha waddan ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyey shacabka, iyadoo laamigana loo dhisay laba qeybood oo ay isku dhaafi karaan gawaarida.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadalkiisa sii watay ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan sidoo kale la bilaabi doono dhismaha wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo uu haatan ka muuqdo burbur aad u xoogan.

Si kastaba dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan dadaal badan ku bixineysa dhismaha waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo muddo fog burbursanaa.