Guddi lasoo jeediyey in loo dhiibo doorashooyinka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdi Cabdi Ismaaciil Samatar oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da aya aka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka sanadkan 2021.

Prof. Samatar ayaa marka hore shaaca ka qaaday in aysan dhicin in qof musharrax ah ama tartamaya uu maamulo doorasho, sidaas daraadeedna wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in guddi madax-banaan oo lagu kalsoonaan karo loo saaro arrimaha doorashooyinka.

“Ma dhicin Doorasho qof tartamaya uu maamulaya, waa in guddi madax-bannaan loo dhiibaa si loo wada sinnaado, Haddii uu qofka tartamaya waa in uu gaar uga baxaa loona dhiibaa Guddi lagu kalsoonaan karo,” ayuu waresigan ku yiri  Prof. Cabdi Ismaaciil.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday qodobada la’isku hayo, sida arrinta gobolka Gedo, guddiga gobollada waqooyi iyo xubanaha ciidamada ee ku jira guddiga doorashooyinka.

“Waa in saddexda qodob ee kala ah arrinta Gobolka Gedo, Guddiga Gobollada Waqooyi (Somaliland) & xubnaha Guddiga in laga saaro Ciidanka” ayuu sii raaciyey Prof. Samater.

Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo illaa hadda wax xal ah laga gaarin khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka, waxaase weli ka socda magaakada Muqdisho wada-hadallo xal raadin ah oo u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.