Guddiga Dastuurka Somalia oo lasoo shartagay niyad jab hor leh

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee BFS Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, ayaa qeyla dhaan u muuqata is madadaalin ka keentay Dastuurka qabyo qoraalka ee Somalia.

Maryan Cariif Qaasim waxa ay sheegtay in Dastuurka uu yahay mid ay ka buuxaan khaladaad farabadan sidaa aawgeedna loo baahan yahay in la saxo.

Maryan Cariif Qaasim, waxa ay sheegtay in khaladaadka uu yahay mid aan lasoo koobi karin waxa ayna cadeysay in Dastuurka KMG ah uu u baahan yahay in la bedelo kala bar.

Waxa ay sidoo kale, sheegtay in khaladaadka hadda ku jira Dastuurka uu yahay mid saameynaaya dhan waliba, loona baahan yahay in gabi ahaantiisa Dastuurka laga saaro wixii wax u dhimikara sharciga.

Xildhibaanadu waxa ay hoosta ka xariiqday in horay loogu soo ciyaaray hanaanka Dastuurka loo diyaariyay islamarkaana haatan uu u baahan yahay in wax badan laga qabto.

Maryan Cariif Qaasim, ayaa ku talisay in leysku raaco in dib loogu laabto Dastuurkii 60-kii si looga gudbo qaladaadk ka jira Dastuurka.

Haddalka Maryan Cariif Qaasim ayaa imaanaya xili Guddiga lagu eedeeyay caga jiid iyo ka gaabinta in la saxo qodobada khaldan ee ku jira BFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com