Guddiga doorashooyinka ee mucaaradka Jubaland oo soo saaray habraac doorasho

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddigii doorashooyinka Jubbaland ee ay ku dhawaaqeen musharaxiintii kasoo horjeystay guddiga doorashooyinka Jubbaland ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa soo saaray nadaamka ay doonayaan inay u dhacdo doorashada maamulka Jubbaland.

Guddigaan oo ah kii labaad ee loo xilsaaro ka shaqeynta habka ay u dhaceyso doorashada Jubbaland, si wada jirana ay ugu dhawaaqeen  inta badan musharaxiinta u taagan hoggaanka ugu sareeya ee Jubbaland, ayaa maanta soo saaray hanaanka loo marayo doorashada maamulka.

Afhayeen u hadlayey guddigaas ayaa sheegay inay doonayo in loo wada sinaado ka qeyb qaadashada doorashada si loo dhowro kal soonida dad weynaha.

Iyadoo la ticgalinayo duruufaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka jirta deegaanada Jubbaland ayuu sheegay guddiga cusub inaysan doorasho qof iyo cod ah ka dhici Karin deegaanada maamulka jubbaland.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada dhici doonta ay gar wadeen ka noqonayaan Odayaasha dhaqanka, iydoo loo madax banaynayo inay soo xushaan xildhibaanka ay u arkaan inuu ku matali karo Baarlamaanka cusub ee laga soo dooranayo deegaanada maamulka Jubbaland.

Halkaan ka Dhageyso Afhayeenka u hadlay Guddiga

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com