Goormee ayaa la qabanaya doorashada Kursiga uu ka geriyooday Xildhibaan…

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u iclaamiyay xiliga ay qaban doonaan doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlaamaanka oo uu baneeyay Marxuum Bootaan Ciise Caalin oo ku geeriyooday Dalka India.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yarey” oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay xiliga ay qabanayaan doorashada.

Xaliimo Yarey, ayaa sheegtay in 15-ka Bishan ay qaban doonaan Doorashada kursigaasi, waxa ayna ku baaqday in Musharaxiinta u taagan doorashada Kursigaas ay muujiyaan u diyaar garowga doorashada.

Xaliimo Yarey, waxa ay sheegtay in Doorashadan ay ka dhici doonto Magaalada Dhausumareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Waxa ay sidoo kale Xaliimo Yarey sheegtay in Doorashada ay isku soo sharaxeen 3 Musharax oo ku tartami Doona Xubinta ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharaxiinta ayey ugu baaqday inay soo dhameystiran hadii ay jiraan shuruudo ku harsan, waxa ayna ku baaqday in la muujiyo dulqaad.

Si kastaba ha ahaatee, marxuumka dhintay ee lagu tartamaayo Kursigiisa Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa Golaha Shacabka ka soo galay Maamulka Galmudug kadib Doorasho ka dhacday Magaalada Cadaado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com