Guddigii ay magacaabeen mucaaradka oo qaaday tallaabadii ugu horreysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ah xarunta mucaaradka ee Muqdisho, ayaa sheegaya in maanta ay shir gaar ah yeesheen guddigii ay magacaabeen musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa la sheegay in xubnaha ay isaga dhax dooran doonaan guddoomiye, ku-xigeen iyo afhayeen, waxeyna kadib guda geli doonaan howlaha horyaalla.

Saraakiil ka tirsan mucaaradka ayaa Caasimada Online u sheegay in guddigan ay billaabi doonaan dhaq-dhaqaaqooda ku saabsan sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xalaal, islamarkaana maamullada dalka loogala hadli lahaa xal u raadinta tabashooyinka jira.

Xubnaha guddiga ayaa ka kooban 28 qof, waxaana la sheegay in halkii musharaxba uu keensaday 2 qof. Midowga Musharaxiinta ayaa ah 14.

Arrrintaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dorrad ay sidaan oo kale guddoon iska dhax doorteen guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka ee heer federal, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda ay sii adkeyso.

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa horey u sheegay inay qaadi doonaan “tallaabo kasta oo dalka looga badbaadinayo inay ka dhacdo doorasho boob ah ama uu ku dhaco firaaq dastuuri ah.”

Waxay sidoo kale ka digeen in madaxweyne Farmaajo “uu qaadayo cawaaqib xumida ka dhalata ku adkaysiga tallaabooyinka uu ku diidan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo sharciga waafaqsan.”