Gudoomiyaha Balcad oo lagu dhegan yahay (Dhageyso waxa lagu heysto)

Kulan Balaaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho isla markasna ka qeyb galeen Qaar kamid ah Odayaasha kasoo Jeeda deeganka Balcad ayaa looga hadlayay arrimo la xiriira Deegaanka Balcad iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Odayaashan ayaa ku eedeyay Guddoomiyaha Degmada Balcad Ismaan Xaadoole inuu ku dhaqaaqay Maamul xumo isla markaasna odayaasha iyo bulshada kale deegaanka Balcad aan wax tixgalin ah siin isla markasna ay dalbanayaan inay doortaan qof dadka deegaanka u wanaagsan.

“Balcad Waxaa hoos yimaada 73 Tuullo,waxana dega qabiilo kala duwan dhamaan waxaa ay yihiin Reer Balcad Waana dad hal dan leh ayuu yiri Mid kamid ah odayaasha kulankas ka qeyb galay.

Sidoo kale Odayaashan ayaa sheegay in qaar kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda deegaankas ay sameeyeen dhex dhexadin aan Cadaalad ahayn isla markaasna ay ku eedeeyeen xildhibaanda inay ahaayeen kuwo la safnaa Guddoomiyaha degmada Balcad Ismaan Xaadoole.

Odayaashan ayaa sheegay inuu Guddoomiyaha Degmada uu si sharci darro ah u kala diray guddi 7 xubnood ka koobkaa kuwas oo degmada ay lahayd isla markasna awoodda dhan uu isaga isku koobay.

Halkaan ka dhagayso Codadka odayaal ka so jedea Balcad

Xiriir aan la samaynay Ismaan Xaadoole oo ah guddoomiyaha degmada Balcad si uu ugu jawaabo Eedeyntaan ay u soo jeediyeen Odayaal kasoo jeeda deegaankas ayaanan noo suura galin.