Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo aan xog ka helnay.

Warar xog ogaal ah oo aan helnay ayaa sheegaya inuu socdo qorshe guddoomiyenimada gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqisho looga qaadayo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, islamarkaana loogu magacaabayo shaqsi kale.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho ayaa loo magacaabi doonaa aqoonyahan lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Beel ahaan waxa uu kasoo jeeda beesha Daa’uud, Isaaq Daa’uud, gaar ahaan jufada Qubeys, waxayna aad isugu dhow yihiin Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow.

Ninkan ayaa ah Xubin muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Madaxweynaha ee PDP, waana Xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga Nabadda iyo horumarka

Yuusuf oo lagu naaneeso Yuusuf Boorsaani, ayaa la sheegay inuu wax kusoo bartay dalka Masar, halkaasi oo uu kasoo qaatay shahaadada Master-ka, waxaana sida aan xogta ku helnay uu wax ku bartay deeq waxbarasho oo uu ka helay ururka Al-Islaax oo uu ka tirsanaan jiray, ka hor inta uusan u xuub siiban Damul Jadiid.

Waa 50 jir la sheegay inuu waagi dowladii dhexe u shaqeyn jiray wasaarada howlaha guud iyo guriyeenta oo uu ka ahaa Darawal ama Wade gaar.

Waxa uu si aad ah ugala shaqeeyay madaxweynaha olelihii doorashada ee lagu sod doortay.