Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo maanta qarax lala eegtay + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaariga guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif, walow uu ka badbaasay miinadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya inay dhaawacyo soo gaareen xoghayaha guddoomiyaha iyo labo askari oo ka mid ah ilaaladiisa.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Shalay ayey aheyd markii qarax kan la mid ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga Garasbaaley iyo midkii dhalinyarada ee deegaankaasi.