Guddoomiye Madoobe oo BF u kala qeybiyey 14 guddi

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa soo saaray liiska 14 guddi iyo magacyada Xildhibaanada ka mid noqanaya guddiyada kala duwan ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha waxaa Habdhowraha iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka lagu faray inay ka howlgalaan doorashada guddoonka guddiyadaan la shaaciyey liiskooda.

14-ka guddi ee xubnaha golaha shacabka loo kala qeybiyey ayaa kala ah:

1 – Guddiga miisaaniyadda, maaliyadda, qorsheynta, iskaashiga caalamiga ah iyo la xisaabtanka hey’adaha dowladda.
2 – Guddiga xeer hoosaadka, daryeelka, anshaxa iyo xasaanada.
3 – Guddiga hormarinta adeega bulshada.
4 – Guddiga Difaaca Qaranka.
5 – Guddiga kheyraadka dabiiciga ah iyo bii’ada.
6 – Guddiga arrimaha gudaha, maamullada gobollada iyo amniga.
7 – Guddiga xaqiiqo raadinta, dib u heshiisiinta iyo hanti isu-celinta.
8 – Guddiga beeraha, hormarinta reer miyiga, xoolaha iyo kheyraadka badda.
9 – Guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha.
10 – Guddiga garsoorka awqaafta iyo arrimaha diinta.
11 – Guddiga warfaafinta, wacyi-gelinta, dhaqanka, boostada iyo isgaarsiinta.
12 – Guddiga xuquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bini’aadanimada.
13 – Guddiga arrimaha dibadda.
14 – Guddiga wadooyinka, dekedaha, garoomada, tamarta iyo gaadiidka.

Guddiyadaan ayaa mid walba waxa uu ka kooban yahay inta u dhaxeysa 15 ilaa 20 xildhibaan, waxaana loo gudbayaa sida la faray xoghayaha iyo habdhowraha golaha shacabka in la qabto doorashada guddoonnada 14-kaan guddi ee loo kala qeybiyey xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.