Guddoomiye Mursal oo “ka hor-yimid kala dirista gudiga maaliyadda BF”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya ee maanta la kala diray ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya uusan waxba ka ogeyn arrintan.

Guddoomiye Mursal ayaa ku sugan dalka Turkiga oo uu howl-shaqo ku joogo, waxaana maanta guddiga kala diray ku xigeenkiisa kowoaad Cabdi Weli Ibraahim Muudey.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ahaa xoghayaha guddiga, ayaa sheegay inuu xiriir la sameeyey guddoomiye Mursal, una xaqiijiyey in arrintan ay tahay mid sharci darro ah oo uusan waxba ka ogeyn.

“Mursal wuxuu ii sheegay inuusan ogeyn arrintan, waana mid u gaar ah guddoomiye ku xigeenka koowaad Muudeey iyo kan labaad Mahad Cawad oo ku xiran ra’iisul wasaare Kheyre” ayuu ku yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur oo wareysi uu siiyey VOA.

Si kastaba, Mursal ayaan weli si rasmi ah arrintan uga hadal, kamana jawaabin xiriir ay la sameysay Caasimada Online.

Mursal ayaa aad loo rumeysan yahay inuu ku xiran yahay xukuumadda oo markii horeba kursiga ku fariisisay kadib markii dagaal siyaasadeed uu ku qasbay guddoomiyihii hore Jawaari inuu is-casilo. Waxaa la dhowri doonaa jawaabtiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com