Gudoomiyaha baarlamanka Jabuuti oo si kadis ah ku geeriyooday kaddib….!

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa Habeenimadii xalay geeriyooday Gudoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti Idriss Arnaoud Ali, xilli aan la sheegin wax xanuuno ah oo muddooyinkii ugu dambeysay uu la jiifay.

Geerida ku timid marxuumka, ayaa waxaa lagu sheegay mid kedis ahayd, islamarkaana ka wada nixisay intii maqal iyo muuqaalba taqaanay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa xalay sheegay inuu aad uga naxay geerida naxdinta leh ee ku timid dhigiisii dalka Jabuuti.

Gudoomiye Jawaari oo xalay munaasabad kaga qaybgalay Madaxtooyada Somalia, ayaa wuxuu ka sheegay in la soo gaarsiiyay geeri aad u naxdin badan leh, oo ku timid Idriss Arnaoud Ali.

Ugu dambeyntii, Jawaari wuxuu tacsi u diray qoyskii, asxaabtii, Baarlamaanka iyo bulshada reer Jabuuti, oo sida uu sheegay uu ka baxay marxuum Arnaoud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com