Guusha buuxda ee DDF waxaa naga xiga ansaxinta BF ee R/Wasaaraha magacaaban

Guusha Dadka Soomaaliyeed ee la dhacsan nidaamka dowladnimo ee Dastuuri, Dimuquraadi, Federaali (DDF) wuxuu ka soo bilowdey xulkii xildhibaanadda wuxuuna ku dhamaanayaa ansaxinta RW magacaban.

Faahfaahinta 4-ta marxaladood ee guusha DDF ka akhriso hoos:-

1. Xulkii xildhibaanada labada gole oo ay inta badan ku soo baxeen mudanayaal iyo marwooyin federalist ah.

2. Waxaa ku soo xigey doorashadii Guddoomiyayaasha labada aqal oo ay ku soo baxeen hogaan federalist ah.

3. Waxaa ku xigey doorashadii Madxweynaha ee dhacdey 15.5.22 oo ay kamadabeystii isugu soo hareen labo hogaamiye oo ay kala watey labo fikir nidaam dowli oo kala ah centralist vs federalist. Habeenkaas doorashada waxaa guul taariikhi ah u soo hoyatey musharaxii watey fikirka nidaamka federalism-ka. Mudane Xasan Shiikh oo kal hor lagu bartey inuu yahay hogaamiye aaminsan fikirka DDF ayaa si weyn uga guuleystey musharaxii ay isu soo hareen oo lagu bartey kolkiisii inuu u janjeero nidaam dowlad dhexe oo awooda hal meel lagu soo ururiyey. 

4. Waxaa ku xigay xulkii Madaxweynaha uu u soo xushey Xilka Wasiirka 1aad Md. Xamza Cabdi Bare 15.6.22. Mudane Xamze oo ah qof si mug leh ugu soo halgamey dhismaha Soomaaliya Federaal ah, waxaa lagu xusuustaa kaalintiisii mudnaanta 1aad laheyd ee dhismaha Dowlad Goboleedka JL oo kamid ah Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, sidoo kale Mudane Xamze waa xubin xisbiga UPD oo ay ku wadajiraan Madaxweyne Xasan Shiikh. Mudane Xamze waxaa laga filayaa inuu isaga oo RW ah u howlgali doono kuna gacansiin doono Madaxweynaha xoojinta iyo dhamaystirka nidaam dowladnimo ee jamhuuriyad ah DDF.

Hadda dhamaystirka dowladda Madaxweynaha 5naad ee Federaalka Soomaaliya waxaa ka dhiman in la ansixiyo xulka Madaxweynaha ee xilka RW – sidaas darteed, Xildhibaanadda waxaa looga fadhiyaa inay siiyaan codka kalsoonidda RW magacaaban weliba si aan kalahar laheyn si ay u muuqato in Dalka Soomaaliya uu u jiheystey dowladnimo ku dhisan DDF kadib markii uu dalka yeeshey hogaamiyayaal u taagan ku shaqeynta shaxda siyaasadda ee DDF (Dastuuri, Dimuquraadi Federaali).

Hassan Said Mohamed
hassan.saciid@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.