Haasaawe Haboowsan: Ma qabtaa 10ka Khuraafi ee khaladka laga aaminsanyahay..? Qalinkii M. Xaaji.

Sida sheeka xariirada waxaa jira waxyaabo badan oo aan runta raad ku lahayn balse misna aad loola dhacsanyahay dhabna la moodo marka ay timaaddo dunida shukaansiga ama haasaawahana waxaa jira kumanaan walxood oo khuraafi ah oo wax wanaagsan loo haysto balse dad badan kaba hor istaaga inay wax u shukaansadaan si wax ku ool ah oo mira dhal ah mustaqbalna uu ku dhismi karo.! hadaba imisaad ka aaminsan tahay afkaarahaas khuraafiga ah?

halkan waxaan idiinkugu haynaa 10-ka afkaarood ee wirwirka ah balse ay dadku aaminsan yihiin inay wax ka taraan helista jaal ay naftu jamato oo aad ku degto.

Khuraafiga 1-aad:- Hadii aan in badan dibadaha wareego waxaan helayaa fursad aan kula kulmi karo qumanihii ama qumantii aan qalqaalada ugu jirey.!

Mowqifka noocan ihi waa mid ay aaminsan yihiin dadka shukaansi biloowga ah ee mudada yar ku dhex jirey saaxada shukaansiga laakiin sanado yar uun kadib waxay taasi ruugtaa rajadii la qabey waayo waxaa muhim ah in qofka aad la haasaaweysaahi uu noqdo qof aad sabab jirta usoo xulatay waana inaad kaliya “haa“ tiraahdo soo jeedimaha u muuqda kuwa waxtar kuu yeelan kara.

Waxaa hadaba wanaagsan in la yareeyo dadka wax lala wadaagayo ilaa iyo intii suura gal ah, waxaana haboon inaad la hadashid hal qof oo kula quman halkii aad ku khaldami lahayd boqolaal qof oo aan kugu qaab sameeyn, waayo shukaansigu maaha ciyaar ku cayisha tira badnaanta inta qof ee aad wax la wadaagtid, waayo waxaad baadi goob ugu jirtaa jaal nolosha kula wadaaga ee muhiimadaadu maaha 100 koob oo kafee ah.

Khuraafiga 2-aad:- Gabadha ugu qurxoon uguna caqli badan ayaa marka hore la guursadaa.!

Mar kasta oo uu dhawaqani dhegeheena kusoo dhibco waxaa maskaxdeena markiiba kusoo dhaca inta gabdhood ee Alle u dhameeyey qurux, qiime, caqli iyo dadnimo ee aan laakiin weli haynin jaal ay nolosha la durduurtaan waayo markasta shukaansiga guurka ku dhamaadaa maha lucbad ama tartan uu qofka ugu dhibcaha badani abaalmarinta qaato ee waa calaf iyo nasiib.

Tusaale ahaan Marwo nolosha ku najaxdey ama soo jiidasho lihi way heli kartaa yaboohyo ama dalabyo ka badan kuwa aynigeeda laakiin in badan oo ka tirsan isma fahmaan waayo waxaa laga yaabaa inuu aad u dheer yahay liiska ay ku taxan yihiin tayooyinka ay tixgelinta siiso, taasoo laga yaabo inay adkeeyso inay gabadhaasi hesho MR Qumane oo ay qof kasta darroowdo.

Laakiin gabadha shukaansiga ugu jirta uun helitaanka qof guursada oo nolosha la wadaaga waxaa dhici karta inay markiiba hesho qof u diyaar ah guurkeeda si kastaba, geedi socodka noocaas ihina waxba kuma xiro quruxda, dabaqadda, caqliga iyo kartida qofkaasi waayo Alle wuxuu qof waliba u abuuray qof ku haboon oo ay is qaadan karaan, ha ahaado cadaan, madoow, faqri, qani, qof dheer ama mig gaaban.

Khuraafiga 3-aad:- hadii aan ka muuqan lahaa xafladaha iyo meelaha la iskugu yimaado mar horaa la i guursan lahaa.!

Maantadan la joogo majiro qof ku doodi kara in guur iyo mustaqbal ka dilaaco meelaha la iskugu yimaado iyo dhacdooyinka waaweyn (mega events) waloow ay mararka qaar dhici karto lkn maaha wax sidaa u sii ridan sababtuna waxay tahay inta badan inta xafladu socoto waxaa isku shushubta intii horay isu taqaaney xitaa hadii ay timaaddo in qof ku dhiirada barashada qof cusub wada sheekeysigoodu wuxuu iska noqdaa mid guud oo aan wax mucayin ah laga hadli karin shaki badanina ku dahaaran yahay ujeedka qofka barashada kaa dalbaya…!

Waxaa jira dad fududeyn kara in ay laba qofi isu bartaan mustaqbal dartii inta dhacdooyinkani socdaan laakiin waa inaad hubisaa heerka aad ka joogto qofka qof kale kugu xiraya iskana ogoow hadii uu qofkaasi yahay saaxiibkaaga dhabta ah, qabanqaabiye caadi ah, qof aad isla shaqeeysaan ama isku xire xirfadle ah (profesional Matchmaker).

Markasta oo uu bato xeydaabyada iyo shabakaadka aad u adeegsanaysid inaad hesho jaal aad isla jaan qaadi kartaan waxaa kordhaya fursadaada iskana jir oo ukumahaaga oo dhan ha iskugu geeynin hal dambiil..!

Khuraafiga 4-aad:- Hadii aan mudo badan ku dhex jirey saaxada shukaansiga waxay ka dhigan tahay inaan si wanaagsan u aqaano waxa aan sameeynayo.!

Marar badan baanu aragnaa ama maqalnaa qof lagu tilmaami karo khabiir dhinaca shukaansiga ah oo hadba hablaha tii wacan la wadaagi jirey wacad oo marka dambe ay ku adkaato in kasoo boxo waxa laga rajeeynayay ama u muuqda dooq digaag kasoo fooca jiho aanba laga fileynin oo markaas la is waydiiyo toloow maxaa ku dhacay qofka?.

Hadaba doobabka mudo kujirey shukaansigu waa inay u dhega nuglaadaan dhegeysiga aragtiyaha cusub ee waxgalka u noqon kara helitaanka qofka ay baadi goobka ugu jiraan iyana waa inay noqdaan kuwa holliya afkaaraha wanaagsan ee ay soo dhega dhegeeyaan balse aanay horay isku deyin dhaqan gelintooda si ay taasi aasaas ugu noqoto sahminta jiho cusub iyo bedelitaanka hadii ay jiraan wax ka khaldan qaabka ay u wajahayaan xodxodashada ama shukaansiga.

Khuraafiga 5-aad:- Hadii aynaan is fahmin maalinta 1-aad ee kulankeena qof kaas iskuma haboonin..!

Maalinta iskugu kiin horeeysa waxaa laga yaabaa inay kuusoo baxdo fikrad ah in adiga iyo qofka aad kulanteen aydnaan isku habooneyn sababtoo ah:-
1- Isku hadaf kama ihidin dhanka higsiga nolosha iyo wixii la sameeynayo mustaqbalka.
2- Waxaad ku kala duwan tihiin waxyaabo badan oo nolosha la xiriira.
3- Waxaan kaa daadegin jawiga uu ku dhacay kulankiinu, dhadhanka shakhsiyadda qofka ayaa kula xirgaxan ama muuqaalkiisa.
4- Waxaa idinku adkaatay inaad waxyaabaha qaarkood isla meel dhigtaan maxaa yeelay waad kala duwantihiin.

Laakiin ha iloobin oo maanka ku hay in aan deg degtan lagu ogaan karin inuu qofkani kugu haboon yahay iyo in kale inta badana suura gal maba aha waayo mararka qaar waqti bay qaadataa inaad si wanaagsan isugu xirantaan ama isu fahantaan adiga iyo jaalkaagu, hadii tusaale ahaan uu shaki jiro bixi fursad 2-aad iyo mid 3-aad, lamaanayaal badan ayaa maanta si farxad leh isku qaba kadib markii ay raaceen taladan.

Hadii aan si kale usii qodo waxaa jira waxyaabo ku jira maankeena iyo qaab iyo nooc aynu jecelnahay inuu noqdo qofka aan ku taameyno laakiin waxaa marar badan dhacda in qofka noocaas ihi aanu noo muuqanin isla marka ugu horeeysa ee aan la kulano qofkaasi balse in yar kadib waxaa laga yaabaa in soo jiidashada iyo tayooyinka qofkani ay noqdaan kuwa u dhisma si dabiici ah oo aad is tiraahdo Alla qofku ma sidan ayuu u macaanaaaaaa…….marka aan mar kale iraahdo ha degdegin abid ee fursad bixi, waxaa kaloo dhici karta in qofka aad sii sawiratay xitaa hadii aad hesho muuqaal ahaan in uusan noqonin mid leh tayooyinka aad u baahan tahay marka ay timaado in reer la dhoqo.

La soco qaybta kale dhowaan insha Allah………………….

Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto Koronto;. maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden