Beelaha Habar-Gedir iyo Biyo-Maal oo mar kale ku dagaalamaya Sh/Hoose

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya oo u kala saftay labo maleeshiyo beeleed oo wada daga gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaalameen maanta markale deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka xoogan ee maanta ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-Jaale oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaanka Ceel-wareegow halkaasi oo la sheegay in saacado dagaalka uu ka socday halkaasi.

Ciidamada kala matalaya labada beelood ee Habar-gedir iyo Biyomaal oo in badan ku dagaalamay deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose ayaa isku heysta dhul beereed ku yaala gobolkaasi Shabeelaha Hoose, halkaasi oo dagaalada ay ka bilowdeen markii ciidamada dowlada ay qabsadeen degmooyinka gobolkaasi.

Wararka aan ka helayno deegaanka dagaalada ay ka dhaceen ayaa sheegaya in ku dhawaad sided ruux ay ku dhinteen dagaalkaasi, iyadoo la sheegayo in dhaawacyada labada dhinac ay intaasi ka badan yihiin, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Marka.

Dagaalka maanta ayaa la sheegayaa inuu ka xooganaa dagaaladii dhexmaray labada beelood ee ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegayaa in labo mar dagaalka ay iskula soo noqdeen maleeshiyaadka ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxgarad kasoo jeeda labada beelood ee dagaalamaya ayaa la sheegayaa inay wadaan qorshe ay wadaan ku dhameynayaan xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya maleeshiyaadkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com