“Haddii ay howshooda kasoo dhalaali waayaan mooshin baa u dambeynaya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Maxamed oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia, ayaa sheegay in dhaqan galinta Xukuumada cusub ay tahay mid loogu talo galay inay kula yimaadan waxqabad wanaagsan.

Waxa uu sheegay in BF Somalia ay mar waliba ka go’an tahay inay is hortaag ku sameeyan kooxdii ama shaqsiyaadkii kasoo dhalaali waayo xilka loo magacaabay, wasiirada cusubna ay mid mid ula kulmi doonaan caqabado gaar ah waa haddii uu yiri ay kasoo dhalaali wayaan shaqooyinkooda.

Cabdullahi Maxamed ayaa ka dhiidhiyay in Ujeedka loo ansixiyay Xukuumadu ay tahay in la siiyo fursad si lagula xisaabtamo ayuu yiri waxqabadkooda loona ogaado kan xilka u qalma iyo kan aan u qalmin.

Wuxuu tilmaamay in halka sano ee u harsan DF Somalia ay dhici doonaan xisaabtan lagu heyn doono dhamaan wasiirada iyo xafiisyadooda, cidii waajibka saaran gudanweysana ay ka dareemi doonto xilka ay Qaranka u heyso, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii, waxa uu wasiirada cusub uga digay inay ku sirmaan ogolaanshaha la ogolaaday, waxa uuna cadeeyay in xukuumadaani ay si joogto ah ula xisaabtami doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com