Halkee ayay ku danbeysay shaqaqadii ka dhalatay doorashada kursiga Beesha Jidle ee BFS?

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar kala duwan oo ku aadan Doorashooyinka ka socda magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Wararku waxa ay sheegayaan in Guddiga Doorashooyinka iyo Xeer ilaalinta ay magaalada Jowhar ka wadaan gacan bidixeenta Doorashada Aqalka Hoose waxaana soo baxaaya in Guddiga Doorashooyinka ay wadaan in Doorashada ay dib ugu soo celshaan Danbiile Wasiir Nuux oo ku xadgudbay shuruuc Doorashada.

Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle oo waayadani lagu eedeeynaayay Musuq-maasuq, ayaa waxa ay iminkana kusii dhiiranayaan in Danbiile Wasiir Nuux ay si musuq-maasuq ah ugu soo celshaan Doorashada iyadoo la baalmaraayo sharciga.

Wasiir Nuux oo looga itaal roonaaday Doorashada Aqalka hoose ee ka socta magaalada Jowhar ayaa waxa uu Nov 18, 2016 xili habeen ah ku dhiiraday inuu weerar ka geysto Xarunta ay ka soctay Doorashada waxa ayna taas muujineysaa in Guddiga Doorashada ay musuq-maasuqayaan Sharciga waa haddii ay dhacdo inay u kala xagliyaan Wasiir Nuux iyo Musharaxiin codadka badan la imaaday ee magaciisa lagu sheegay Axmed Cirro.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Wasiir Nuux uu dhaqaale xoogan ku laaluushay Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle iyo Xeer ilaalinta oo gacanta ku heysay baaritaanka Kiiska Wasiir Nuux oo faldanbiyeedyo ka geystay xarunta ay ka socto Doorashada Aqalka Hoose ee magaalada Jowhar.

Dhinaca kale, Odayaasha Hirshabelle ayaa dhawaan go’aamiyay in Wasiir Nuux uusan ka qeybqaadan karin Doorashada Aqalka Hoose, kadib markii ay ku tilmaamen inuu yahay mid aan mudneyn inuu kamid noqdo Baarlamaanka cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com