Hanti-dhawrka ‘oo musuq dartiis’ u xiray xafiisyada wasaarad ka mid ah DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa maanta albaabada isugu dhuftay Xafiisyo ka mid ah Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta, kadib markii uu dhawaan uu soo if baxay musuq-maasuq ka jira wasaaradaasi, kaasi oo la xiriira hanaanka bixinta Viisaha Xajka ee sanadkan oo dhaqaale badan lagu xiray.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xafiisyada la xiray ee albaabada la isugu dhuftay ay ka mid yihiin; Xafiisyada Wasiirka, Agaasimaha Guud, Waaxda Xajka iyo xafiiska Maamulka iyo Maaliydda.

Xubno kamid ah Hanti-dhowrka ayaa amray in ilaa amar dambe aan la furi karin xafiisyadaas, wuxuuna ku dhajiyay xafiisyadaas waraaq ay ku qoran tahay “Lama furi karo xafiiska hanti-dhowrka guud la’aantii”.

Sidoo kale waxa lasoo warinaya in weli khilaaf uu ka dhex jiro xaruunta Wasaarada kadib markii Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Sheekh Cumar Cali Rooble uu amar ku bixiyay in Wasaarada uusan soo gali karin Agaasimihii hore ee Wasaaradaasi Cumar Faaruuq.

Khilaafka soo kala dhex-galay mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda ayaa la sheegaya in uu la xiriiro habka maamulida arrinta Xajka ee sanadkaan iyo mashruuc la yiraahdo PCV oo UN-ka maali-gelinayso.

Mashruuc ay iska kaashanayaan PCV iyo UN-ka ayaa sida la sheegay ku saabsan la-dagaalanka argagixisada, kaasi oo lasoo warinayo in uu ku baxayo dhaqaale badan.