Haweeney bastoolad ku hubeysneyd oo dil ka geysatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweeney ku hubeysneed bastoolad ayaa la sheegay inay toogasho ka geysatay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Haweeneydan ayaa dilka ka geysatay degmada Warta Nabadda ex wardhiigley ee gobalka Banaadir sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dilka oo argagax galiyay dadka deegaanka ayaa si gaara uga dhacay xaafadda Xamar Bile ee degmadaasi waxaana Marxuumka la dilay magaciisa lagu soo koobay Xasan Qoor.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Odayaasha Caanka ka ah deegaankaasi, waxa uuna sababsaday gacanta Haweeney ku hubeysneyd bastoolad.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in Haweeneyda dilka fulisay ay ku labisneyd dareeska ciidamada Booliska, waxa ayna dilka kadib ka baxsatay goobta.

Marxuumka ayaa xiliga la dilaayay ku dhex jiray dhalinyaro dhowr ah, waxaana la dilay isaga oo qura.

Ma cadda sababta ka danbeysay dilkaan sidoo kale lama oga cidda ka danbeysa mana jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda Dilkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com