Heshiiska DFS iyo PUNTLAND oo shaki abuuray

Garoowe (Caasimada Online) – Iyadoo DFS iyo Maamulka Puntland ay si wada jir ah u kala saxiixdeen qodobo dhowr ah oo loo arkay in looga gudbikaro khilaafka ka dhashay 4.5 iyo nidaamka hab Deegaan, ayaa waxaa soo baxaaya kala aragti duwanaan ka dhex taagan maamulka iyo Siyaasiyiinta.

Heshiiskaasi ayaa waxaa wali dhaliil ka qaba Siyaasiyiinta maamulka Puntland oo iyagu sheegay in musiibo ay tahay in laga weecdo go’aanka shacabka Puntland ee ahaa mid ka dhashay aftida laga qaaday.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Puntland, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in C/wali Gaas iyo Maamulkiisa ay si cad uga talaabaan wixii ahaa rabitaanka shacabka Puntland, waxa uuna sheegay in meesha laga saaray kalsoonida.

Cali Xaaji, waxa uu sheegay in maamulka hadda jira uu ku dheelay kalsoonida islamarkaana ay mudan tahay in wax laga weydiiyo sababta ay u qaaten 4.5.

Waxa uu tilmaamay in asalba ujeedka laga lahaa aftida Shacabka ay aheyd in lagu wado maro, balse aysan u muuqan mid lagu adeecaayo rabitaanka shacabka.

Dhanka kale, Cali Xaaji waxa uu carabaabay in qodobada lagu heshiiyay ay ka wanaagsaneyd in la raali galiyo shacabka Puntland, balse ay u muuqato in dano gaar ah la hirgalinaayay.

Haddalka Cali Xaaji, ayaa imaanaaya iyadoo Madxaweyne Xassan Sheekh uu sheegay in qodobada lagu heshiiyay aysan noqon doonin mid rasmi ah balse looga doodi doono kulamo kale oo dhici doona.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com