Hey’adda culimadda oo BF ka codsatay inay meel mariyaan sharciga argagi..

Muqdisho (Caasimada Online)-Afhayeenka hey’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa baarlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan sharciga la dagaallanka aragixisada maadama kal hore uu ka soo baxay xukuumadda.

Sheekh ayaa yiri sharcigaas haddii la meel marin lahaa wuxuu fududeen lahaa arrimo badan oo hadda caqabad ku ah Soomaaliya oo ay ka mid tahay aragixisada.

“Annaga waxaan ku baaqi lahayen in xildhibannada baarlamaanka ay dhaqangaliyaan sharciga Argagixisada waayo muddo badan ayuu hor yaalla, illaah ka baqa oo dhaqankiina wax ka badala” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Dhinaca kale, Sheekh ayaa dowladda ugu baaqay in ay si degdeg ah wax uga qabato dagaallada dib uga soo cusboonaaday gobalka Shabeellaha Hoose, isagoona intaas ku daray in dagaallada ay salfadeedn dad badan oo shacab ah kuwaasoo aan waxbo galabsan.

Wuxuu hey’adda dowladda ugu baaqay in ka baaqsadaan ku lug lahaan shiyaha dagaallada ka socda galkaas maadama ay salka ku hayaan qabiil.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku adkeeyay in hey’adooda ay ku baaqayso in la joojiyo dagaallada dib uga soo cusboonaaday gobalka Shabeellaha Hoose.

Waxaa soo kordhaya baaqyada ku aadag dagaallada dib uga soo cusboonaaday gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com