Hogaamiyaha HirShabele oo wajahaya mooshin xil ka qaadis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo diyaarinta Mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mooshinkaas ay wadaan Xildhibaano ka tirsan maamulka oo Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare ku eedeeyay inuu ka gudbay xeendaabka sharciga.

Waxa ay ku eedeeyen inuu ka wecday nidaamka, isla markaana si cad uga gaabiyay howlaha maamulka, kadib markii uu saldhig ka dhigtay magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabeelle ayaa xaqiijiyay in qaarkood ay saxiixeen Mooshinka, halka qaarna ay iminka wadaan abaabulka lagu kordhinaayo Mooshin wadayaasha.

Xildhibaano ku dhow dhow Hogaamiye Waare, ayaa dhankooda ka xaqiijiyay in Mooshinka uu jiro islamarkaana lagu dadaali doono si xal loogu heli lahaa.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa sheegay in ay sugayaan Xildhibaano kale oo ku maqan safar Kenya ah kadibna ay Mooshinka ku wareejin doonaan Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle.

Geesta kale, C/kariin Xasan oo ah wasiirkii hore ee Bii’ada iyo Hormarinta HirShabeelle ayaa sheegay in mooshinka xubno badan ay saxiixeen ujeedkana uu yahay in xilka looga qaado Hogaamiye Waare.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com