Hoggaanka sare ee xisbiga Wadajir oo is-beddel lagu sameeyey iyo siyaasiyiin hor leh oo kusoo biiray (Aqri)

Nairobi (Caasimadda Online) – Kulan magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ku yeeshay hugaanka sare ee Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira ayaa dib u balaarin ku sameeyay  xubnaha Xisbiga.

Xubnaha cusub ee ku soo biiray Xisbiga ayaa waxaa isugu jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka hada jira, Xildhibaano hore iyo xubno dhalinyaro ah.

Xisbigan oo saddex xubnood kaliya laga yaqaanay, kana dhex muuqdeen sanadihii u dambeeyay ayaa haatan is bedel lagu sameeyay, iyadoo la kordhiyay xubnaha Golaha Fulinta.

Kamaal Daahir Gutaale oo ahaa Guddoomiyihii Xisbiga Wadajir ayaa xilka laga qaaday, iyadoona  Guddoomiye loo magacaabay Saciid Cabdi Muuse Baalle.

Halka Guddoomiye kuxigeenka Xisbigana loo magacaabay Sayid Cali Macalin Cabdulle oo horay u ahaa Xoghayaha Guud Xisbiga.

C/fataax Ibraahim Geesey oo ah Xildhibaan iyo Wasiir hore ayaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga, halka C/weli Ibraahim Garyare uu yahay Kuxigeenka Xoghayaha Guud.

Isbedelkaan lagu sameeyay hugaanka Xisbiga WadaJir ayaa u muuqda mid ka duwan hanaankii uu horay u dhisnaa Xisbiga oo hugaankiisu Sedax xubnood oo kaliya ku koobnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com