HOOYO iyo CARRUUR ay dhashay oo ku dhintay hoobiyeyaasha Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaal saaka lagu garaacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimaasho, dhaawac iyo burbur intaba.

Hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa saddex madfac ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay xaafado ka tirsan degmooyinka Xamarweyne & Boondheere ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku hoobteen guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo uu khasaare kasoo gaaray weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in hoobiye ku dhacay xaafadda Casa Italia ee degmada Xamarweyne ay ku dhinteen 3 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 9 kale.

Xildhibaan Cali Ganey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in guri uu daganaaa wiilkiisa uu ku dhacay mid ka mid ah hoobiyeyaasha, wuxuuna xaqiijiyey dhimasho iyo dhaawac.

“Carruurteyda oo halkan daganeyd ayaa hoobiye kula dhacay wiilkeyga carruur uu dhalay waxaa ku dhintay saddex qofood oo labo yaryar yihiin, qofna weyn yahay waxaa sidoo kale ku dhaawacmay afar qof,” ayuu yiri Xilldhibaan hore Cali Ganey oo la hadlay warbaahinta.

Saddexda qof ee dhintay ayaa kala ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay, kadib markii uu gurigooda ku dhacay mid ka mid ah hoobiyeyaasha la soo tuuray.

Sidoo kale waxaa agagaarka Iskuulka Wiilwaal ee degmada Boondheer iyo qaybo ka mid ah degmada Shangaani ku dhacay hoobiyeyaal kale, oo ay dhaawacyo ka dhasheen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, balse ciidamada ammaanka ee dowladda bilaabay howlgallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii weerar kan la mid ah uu ka dhacay Xamarjajab, kaas oo ay ku dhaawacmeen illaa 20 qof  oo ay madaafiicda ug tegeen guryahooda, xilli ay hurdayeen.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dmabeeyey ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal, qaraxyo & weeraro uu ugu dambeeyey kii Hoteel Xayaat.