Howlgalo ballaaran oo laga sameeyay Baladweyne (Faah-Faahin)

Baladweyne (Caasimada Online) Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiran, waxaa xaley ka dhacay howlgalo ballaaran, kuwaasoo lagu soo qab-qabtay dad aad u badan iyo hub la sheegay in magaalada laga soo helay.

Wariye ku sugan Baladweyne oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in howgalada ay sameenayeen ciidamo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya uu tabbabar ugu soo xiray xerada Gaaska shannaad ee Lama-galaay ee Baladweyne.

Cali Dhuux Mahad Alle oo ah taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Baladweyne ayaa Idaacad ku taalla magaalada u sheegay in howlgalkii xaley lagu soo qabtay dad badan iyo hub, wuxuuna sheegay in maanta duhurkii ay saxaafadda uga warbixin doonaan howlgalkii xaley.

Dadka ku dhaqan Baladweyne ,ayaa sheegay in howlgaladii xaley si weyn looga dareemay magaalada, waxaana meel kasta lagu arkayay ciidamo gaaf-wareegayay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee howgaladan laga sameeyo Baladweyne, balse waa markii ugu horeysay oo ciidamo la soo tabbabaray ay howlgalo lagu xoojinaayo ammaanka ka sameeyaan magaalada.

Xaaladda magaalada Baladweyne ayaa saakay deggan, waxaana caadi ah isku socodka dadka iyo gawaarida iyadoona goobaha waxbarashada iyo ganacsiga ay furan yihiin

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baladweyne