“Hubka DF la siiyo beelo gaar ah ayaa lagu gumaadaa” Xildhibaan ayaa yiri

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan ka tirsan baaarlamaanka Soomaaliya, ayaa bannaanka keenay arrin ceeb iyo fadeexad ku ah dowladda Soomaaliya haddii ay hubaal noqoto.

Xildhibaan Axmed Sheekh, oo ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa xaqiijiyay in xarunta Villa Baydhabo habeen horre laga qaaday hub badan oo la geeyay gobalka Shabeellaha Hoose si loogu huriyo colaadda halkaas ka taagan.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasaaraha, wasiirka gaashandhigga iyo taliyaha ciidamada xoogga ay qeyb ku lee yihiin dagaallada dib uga qarxay gobalka Shabeellaha Hosoe sidda uu hadalka u dhigay.

“Annaga xildhibannada ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose ayaan nahay wax kastana waan la soconaa, Villa Baydhabo waxaa habeen horre laga qaaday hub oo la geeyay Shabeellaha Hoose, hubkaas oo la rabo in lagu gumaado beel gaar ah” ayuu yiri xildhibaanka.

Wuxuu ku eedeeyay wasaaradda gaashandhigga in ay qeyb ka tahay dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay oo kale in ay diyaar u yihiin siddii ay u difaaci lahaayeen beesha ay ka soo jeedaan ee la rabo in lagu gumaado gobalka Shabeellaha Hoose sidda uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu beesha caalamka ka codsaday in dabagal ku sameeyaan hubka la siiyo dowladda oo hadda u muuqda in beelaha qaar ee Soomaalida lagu gumaadayo si looga barakiciyo deegannada ay deggan yihiin.

Si kastaba, hadalka xildhibaankan ayaa ku soo aadaya iyadoo dagaallo ay dib uga qaxeen deeganno hoostaga gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

caasimada@live.com